Muqdisho – Qaar kamid ah guddoomiyayaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa maamulka gobolka ayaa shaaciyay inay garab istaag u muujinayaan shacabka laga barakiciyay magaalada Muqdisho.
Taageeradan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay mucaaradku iclaamiyeen dibadbax ballaaran oo la qorsheeyay in la qabto 10-ka bishan, kaas oo lagu muujinayo taageerada dadka barakacayaasha ah ee laga raray degmooyinkii iyo xaafadihii ay ka degnaayeen Muqdisho.
Mas’uuliyiintii hore ayaa sheegay in shacabka la barakiciyay ay u baahan yihiin taageero iyo in codkooda la maqlo, iyagoo bulshada ugu baaqay inay ka qeyb galaan dibadbaxa ay mucaaradku qabanqaabiyeen.
Waxay sidoo kale xuseen in barakicinta shacabka ay saameyn weyn ku yeelatay nolosha qoysas badan, islamarkaana loo baahan yahay xal waara oo lagu wajahayo arrimaha barakaca iyo hoy la’aanta.
DAAWO.




