Guddoomiye Baashe oo shaaciyey in dib loo bilaabay dacwadaha aan ciqaabta ahayn

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray qoraal uu ku shaaciyey goorta ay dib u bilaabanayaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn oo ay qaadi jireen maxkamadaha dalka, kuwaas oo kol hore loo hakiyey Coronavirus dartiis.

16-ka May ayuu amray guddoomiye Baashe in dib loo furo dacwadaha aan ciqaabta aheyn, sidoo kale rafcaanadda wakhtigoodu dhacay intii ay dacwaduhu hakadka ku jireen ayuu amray in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay.

“Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS, isaga oo tixgalinaya baahida loo qabo in dib loo bilaabo dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis, bulshaduna u hesho adeegyadda cadaaladeed ee ay u baahntahay. Waxa uu soo saaray go’aanadan.”

1.Laga bilaabo 16/05/2021 waxaa dib loo furay dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn ee muddada hakadka ku jiray xanuunka Covid-19 dartiis.

2.Waxaa la farayaa garsooreyaasha iyo shaqaalaha kale ee Garsoorka inay si buuxda shaqadooda ugu soo laabtaan, una bilaabaan mudeynta iyo gar-maqaladda dacwadaha aan ciqaabta ahayn laga bilaabo maalinta Axadda ah ee 16/05/2021.

3.Dhammaan rafcaanada wakhtigoodu dhacay muddadii ay dacwaduhu hakadka ku jireen waa in loo ogolaado wakhti ay dib ugu furan karaan rafcaanadda wakhtigoodu dhacay.

4.Si loo dhawro badqabka bahda Garsoorka iyo bulshada loo adeegayo, loogana taxadaro faafida xanuunka Covid-19, waa in loo hogaansamo awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka XFS, lana qaado talaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortaga faafitaanka xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here