Guddoomiye Cumar Filish oo ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka hadlay kulan lagu qabtay degmada Dharkenley ayaa ka warbixyey ammaanka magaalada Muqdisho.

Cumar Filish ayaa sheegay in maalin kasta loo soo gudbiyo warbixinada la xiriira qaraxyada iyo dilalka ka dhaca caasimadda, balse wuxuu tilmaamay in dhibaatooyinkaasi ay ka badan yihiin kuwa ay geystaan dadka isticmaala maan dooriyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Inta qof daroogeysan uu dilay ama dhaawacay ayaa shan jeer waxa ay ka badan tahay kooxahaan kale oo is qarxiyeyaasha ahi dhibaatada ay geystaan,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale wuxuu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka maan dooriyaha oo dhibaato ku ah bulshada iyo deegaanka.

Gobolka Banaadir ayaa todobaadyadii u dambeeyey waday kulamo ballaaran oo dhalinyarada looga wacyi-gelinayo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here