Rooble oo boggaadiyay guddigii loo xil-saaray doorashada gobollada waqooyi

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn u bogaadiayay guddigii u xil-saarnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matala Somaliland, ka dib xaflad casha sharaf ah oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Mudane, Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada Somaliland ku ammaanay dulqaad iyo karti dheeri ahy maaddaama ay howshii loo igmaday soo gaba-gabeeyeen ka hor xilligii lagu ballamay oo ahay 25-ka bishan, wuxuuna maamul goboleedyada kale faray inay dardargeliyaaan doorashada.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa waqtigii loo asteeyay ka hor soo afjaray doorashada 11-xubnood oo Aqalka sare ah iyo 46 golaha shacabka ah, kuwaas oo markii la isku geeyo ah 57-xildhibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here