Guddoomiye ku xigeenka SoDMA oo la kulmay wafdi ka socda hay’adda REACH

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabilay masuuliyiin ka socday hay’adda REACH.

 

Kulankaan ayeeyna hay’adda REACH kaga Codsatay Madaxda Hay’adda SoDMA in ay kaga fasax qaataan in ay Degmooyinka dalka ka sameeyaan qiimeeynta Baahiyaha degdega ah ee qiimaynta dadka ay saameeyeen fatahaada El Nino ee xili roobaadkan, waxaana qeyb ka ahaa Masuuliyiin katirsan SoDMA.

Xogtaas aye ka soo uruurin doonaan Degmooyinka dalka si gaar aha Maamul gobaleedka Hirshabelle si loo ogaado saameynta fatahaadaha ay ku yeesheen barakaca , xaaladaha hoyga iyo baahiyaha Agabka aan Cuntada Ahayn, sugnaanta Cuntada, Nafaqada, Caafimaadka iyo adeegyada kale aas-aasiga ah ee dadka ay fatahaaduhu saameeyeen deeganada uu wabiyada maraan.

Qiimeeynta Ayaa laga sameeyn doonaa in dhinacyo badan si loo ogaado baahiyaha mudnaanta leh ee dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee ku nool 8-da goobood oo ah xiryaha lagu barakacay ee Degmooyinka dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here