Isimada Puntland oo go’aano culus soo saaray iyo Deni oo ka horyimid

0

GAROOWE (SMN) – Isimimada dhaqanka Puntland ayaa xalay soo saaray go’aano culus oo ku aadan doorashada maamulkaas oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

 

Isimada oo maalmihii u dambeeyay uu shirweyne uga socday Garoowe ayaa soo saaray baayan ka kooban 11 qodob, kaas oo lagu sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay doorashada ku qabato waqtigeeda oo ah 8-da Janaayo ee sanadka soo socda 2024, isla-markaana 66-da xildhibaanada ee baarlamaanka ku yimaadaan sidii hore ee xulista odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale waxa ay Isimadu intaasi kusii dareen in nidaamka doorashada ee qof iyo codka ah looga baahan yahay maamulka cusub ee iman doono, maadaama uu haddda dhammaaday waqitigii, gaar ahaan xil haynta hay’adaha dowlad goboleedka Putland.

Dhanka kale, madaxtooyada Puntland ayaa iyaduna jawaab kasoo saartay go’aannada kasoo baxay Isimada Dhaqanka, ayada oo ku gacan seertay soo jeedintooda.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shacabka Puntland ay diyaar u yihiin inay codadkooda dhiibtaan, isla-markaana ay soo doortaan hoggaankooda.

“Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay ka mira dhaliyeen rajadii dimuqraadiyadda Puntland iyada oo doorasho hal qof iyo hal cod ah lagu soo doortay Goleyaasha Deegaanka ee 33 Degmo. Dadka Reer Puntland ayaa sidoo kale hamuun u qaba, una diyaar garoobaya in ay codkooda ku doortaan Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka xiliga ay Guddiga Doorashadu u asteeyeen qabsoomidda doorashada” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale xafiiska madaxweyne Deni ayaa warka uu soo saaray lagu sheegay in maamulka uu diyaariyay waxyaabihii muhiimka u ahaa doorashooyinka dadweynaha, isla-markaana uu wadatashiyo kala sameeyeen xisbiyada, kadibna ay xalay ansixiyeen golaha wasiirada.

“PEC waxaa ay diyaarisay dhammaan aasaasiyaadkii doorashooyinka iyada oo wadatashi kala sameysay xisbiyada iyo Golaha xukuumadda oo caawa ansixiyey wax ka badelka Xeerarka muhiimka u ah qabsoomidda doorashada, kuwaas dhaqso loogu gudbin doono Golaha wakiilada” ayaa mar kale lagu yiri warka uu soo saaray madaxweyne Saciid Deni.

Puntland ayaa wajaheysa xaalad adag oo cakiran, waxaana horay ciidamo kala taabacsan mucaaradka iyo madaxweynaha ay ugu dagaalameen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, welina waxaa muuqata in hubanti la’aan ay ka jirto gudaha magaaladaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here