Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada Wanlaweyn oo la dilay

0

WANLAWEYN (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay dil u geysteen guddoomiye ku ixgeenkii arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanlaweyn, kaas oo lagu magacaabi jiray Haashim Shareere.

 

Marxuumka ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay kala dagtay gaari uu ka raacay Muqdisho, isla-markaana ay ku dileen  tuuladda Buulo Xaashi ee duleedka Wanlaweyn.

Ma cadda kooxda ka dambeysay dilkan oo goobta isaga baxsatay, waxaana maydka goor dambe goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ka hadlay dhacdadan ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka, wuxuuna sheegay inay wadaan baaris ku aadan dilkaasi.

Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ka jira xaalado amni, waxaana horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo sidoo kale dagaal beeleedyo geystay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here