Wafdi ka socda Midowga Afrika iyo QM oo gaaray degmada Cadale + Sawirro

0

CADALE (SMN) – Ergayga Midowga Afrika oo la socoto madaxa Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya UNSOS ayaa booqday saldhiga Ciidanka Burundi ee degmada Cadala, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Aisa Kirabo oo madax ka ah UNSOS ayaa ku bogaadisay askarta Burundi shaqada naf-hurka ay ka qabteen dalka intii ay joogeen, oo xasilooni iyo nabad kusoo celiyeen degmada Cadala.

“Waxaad dalka Soomaaliya ka baxaysaan adinkoo si wanaagsan u gutay waajibaadkiina si geesinimo leh. Waxaan adinkaga mahadcelinaynaa shaqada adag ee aad soo qabateen, adinkoo naftiina u huray xasilinta Soomaaliya,  oo qaar adinka mid ah u dhinteen, taariikhda ayaana xusi doonta howlgalkiina,” ayay tiri Kirabo.

Maxamed Amiin Suuf, madaxa ATMIS, ahna ergayga Midowga Afrika ayaa sheegay in Saldhiga Cadale ay Ciidanka Burundi ku wareejinayaan kuwa dowlada Soomaaliya kahor inta bishan dalka ka bixin.

Wuxuu ingaas ku daray in 2,000 oo Askari bishan June dhamaadkeeda laga qaadayo Soomaaliya, iyadoo dhowt bilood kadibna 3,000 oo kale ka baxaan dalka.

Tani ayaa qeyb ka ah qorshaha ka bixista ATMIS ee dalka, oo sanadka 2024 la filayo in mas’uuliyada amniga ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here