Guddoomiye ku xigeenkii SEIT ee Puntland oo isaga baxay guddiga

0

BOOSAASO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenkii guddiga doorashada ee Puntland Caynaanshe Yuusuf Xuseen ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey iyo xubinimadiisii, isaga oo ku dhowaaqay inuu ka baxay guddiga.

Caynaanshe Yuusuf ayaa shaaciyey in arrimo shaqsi ah uu isku casilay, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku wargeliyey Ra’iisul wasaaraha iyo guddiga doorashooyinka ee heer federal.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in is casilaaddiisa ay salka ku heyso arrimo la xiriira ka qayb-galka doorashada, waxaana la sheegay inuu u tartamayo kursiga Hop#220.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here