Yuusuf Gama’diid oo dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya

0

BELEDWEYNE (SMN) – Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) ayaa markale dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Beledweyne.

Gama’diid ayaa kusoo baxay doorashada kursiga Hop#031, waxaana loo qaaday cod gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Kursigan ayaa u dambeeyey qabtii koowaad doorashada kuraasta taalla Beledweyn oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka HirShabelle.

Doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan Maarso ee sanadka 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here