Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee BF Soomaaliya oo kulan yeeshay + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur(Madoobe) ayaa maanta hoygiisa ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay kal-fadhiga Baarlamaanka ee loo balansan-yahay May 04,2022 in uu noqon doono mid wadajir ah, waxaana looga hadli doonaa arrimaha doorashada madaxweynaha dalka.

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaadi doonaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here