Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray shaqaalaha Soomaaliyeed

0
MUQDISHO [SMN] – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.
Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.
“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.
“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.
DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here