Guddoomiyihii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo is-casilay

0

GAROOWE (SMN) – Guddoomiyihii Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta iska casilay xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimadii guddiga.

“Saaka waxaan u gudbiyay Xubnaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland warqad aan ku bannaynayo jagada Guddoomiyanimo ee Guddiga, sidoo kale isla saaka waxaan Guddoomiyaha Baarlamaanka la wadaagay warqad aan isaga casilayo xubinimaddii Guddiga ee aan kusoo shaqaynayay muddo 2 sano iyo bar ah” ayuu qoraal ku yiri Guuleed Saalax.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ka horyimaadeen duruufo adag oo sababay inuu shaqada ka tago, inkastoo uusan faahfaahin waxa ay yihiin duruufahaasi.

“Waxaan qorshaynayay inaan qayb kasii ahaado shaqada adag ee Xubnaha Sare iyo Shaqaalaha Guddigu u hayaan bulshada reer Puntland, laakiin duruurfo iga hor yimid dartood waxaan goostay inaan banneeyo booska” ayuu yiri Guuleed.

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan qabtay doorasho gole deegaan oo hor dhac ah, taas oo ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here