Madaxweynaha HirShabelle oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Xuseen

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-shabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alla ha u naxariistee Gudoomiye Ku-xigeenkii Arrimaha bulshada Maamulka Gobolka Hiiraan Marxuum Sheekh Xuseen Cusmaan Cali oo maanta ku geeriyooday Magaalada Magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in Marxuumku ahaa shaqsi daacadnimo karti iyo wadaniyad ku sifoobay kaalin muuqatana ka qaatay dhismaha iyo aas-aaska Dowladnimada maamulka Hir-shabelle.
Sidoo kale Madaxweynaha oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hir-shabelle ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, eheladii, qaraabadii iyo maamulka gobolka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here