Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo garsoorka ka tirsan loo jeediyay hanjabaado iyo cabsi-gelin, isagoo caddeeyay in arrimahaasi aysan ka hor istaagi doonin gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta caddaaladda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in hanjabaadaha loo jeedinayo aysan ka aamusiin doonin, isla markaana aysan aqbali doonin in lagu khasbo inay u hoggaansamaan wax uu ku tilmaamay sharci-darro.
“Hanjabaad, cabsi-gelin iyo cago-juglayn nagama hor istaagi karaan gudashada waajibaadkayaga ilaalinta caddaaladda. Hanjabaadaha naftayada loo jeedinayo nama aamusiin doonaan, nalagumana khasbi karo inaan u hoggaansanno sharci-darro. Waxaan si adag ugu taagan nahay difaaca madaxbannaanida garsoorka, Dastuurka iyo xuquuqda aadamaha,” ayuu yiri.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in aanu jirin qof sharciga ka sarreeya, isagoo xusay in Dastuurka iyo sarreynta sharcigu ay tahay inay ka sarreeyaan awood kasta oo si aan sharci ahayn loo adeegsado.
“Ma jiro qof sharciga ka sarreeya. Dastuurku waa inuu ka sarreeyaa awood kasta oo si aan sharci ahayn loo adeegsado, sarreynta sharciguna waa inay ka adkaataa xukunka qofka,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in go’aankoodu yahay mid aan isbeddelayn, ayna sii wadi doonaan ilaalinta dhaartooda iyo gudashada waajibaadkooda, iyagoo caddaaladda ugu adeegaya cabsi iyo eex la’aan.




