Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo la kulmay safiirka Sweden

0

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Hans Henric Lundquist.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen arrimo muhiim u ah danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Sweden.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyey Dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo diblomaasiyiin ka socday Safaaradda Sweden ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Sweden, laguna ballaarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan taageerada amniga iyo horumarinta hay’adaha difaaca Soomaaliya.May be an image of newsroom, the Oval Office and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here