Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyey shir hadlay xoojinta amniga Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada maamulka.

 

Shirka ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga iyo nabadgelyada shacabka, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qaybaha ay khuseyso ee ka shaqeeya ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka.

Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda amni, lana xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud, si shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan nabadgelyo iyo xasillooni.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana dardargeliyo howlaha ay hay’adaha amniga u hayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo hantidooda ay tahay mas’uuliyad mudnaan gaar ah u leh Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada, Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya dhaqdhaqaaqyada ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ee ku sugan degmooyinka Gobolka Baay. Ciidamadaas ayaa la sheegay inay weli wadaan abaabul ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed, arrintaas oo kusoo beegmaysa xilli hoggaanka maamulka uu shir gaar ah ka yeeshay xaaladda amniga deegaannadiisa.May be an image of dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here