MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway (NRC), Jan Egeland, si looga wada hadlo abaaraha, fatahaadaha, colaadaha, barakaca iyo cunto-yarida ka jirta Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray diyaar-garowga Soomaaliya ee khataraha la xiriira saadaasha Super El Niño, oo keeni karta roobab xooggan iyo fatahaado saameeya qaybo ka mid ah dalka.
Egeland, oo hore u soo noqday wasiir-ku-xigeen ka tirsan dowladda Norway iyo madaxa arrimaha bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay, ayaa booqday xarunta hawlgallada SoDMA, halkaas oo lagu soo bandhigay dadaallada loogu diyaar-garoobayo xaaladaha degdegga ah iyo jawaab-celinta musiibooyinka.
NRC ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada gurmadka degdegga ah iyo caawinta bulshada nugul ee ay saameeyaan abaaraha, fatahaadaha, colaadaha iyo barakacu.
Soomaaliya ayaa xoojinaysa qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo xaaladaha cimilada daran, iyadoo ay jiraan walaacyo laga qabo in Super El Niño uu kordhin karo khatarta fatahaadaha iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee dalka.



