Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), Dr. Maryan Qaasim Axmed.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda dhismaha iyo hawlgelinta Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyadoo Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim ay Madaxweynaha warbixin ka siisay waxqabadka Guddiga lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo dadaallada lagu dhisayo hay’ad qaran oo madax-bannaan, hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay caqabadaha horyaalla Guddiga, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo sidii loo heli lahaa taageerada lagama maarmaanka u ah in Guddigu si madax-bannaan oo wax-ku-ool ah u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Dr. Maryan Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, xoojinta isla-xisaabtanka iyo ku dhaqanka sharciga.
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda dhismaha hay’ado qaran oo waara, madax-bannaan oo awood u leh inay ilaaliyaan xuquuqda iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha qaranka iyo horumarinta nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.




