Guluf ka dhan ah Al-Shabaab oo dib uga bilaabanayo deegaanada Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Galmudug ayaa isku raacay in mar kale dib loo abaabulo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe ee dalka, kaas oo uu gaabis ku yimid maalmihii lasoo dhaafay.

 

Ujeedka dib u bilaabidda howlgalladan ayaa ah sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay weli ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka

Ciidamo kala gadisan oo ka qayb qaadanaya dagaalka ayaa haatan lagu diyaariyay gobollada dhexe, si ay qayb uga noqdaan xoreynta deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Xoogga dalka ay tegi doonaan furimaha hore, gaar ahaan Dhuusamareeb halkaas oo ay ka abaabuli doonaa gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Howlgallo kuwaan lamid ah ayaa sidoo kale ka bilaaban doono deegaanada HirShabelle oo ay weli meelo kamid ah maamulaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Galmudug iyo HirShabelle ayaa wejigii koowaad ee dagaalka laga gaaray guullo waa wayn, waxaana Al-Shabaab looga xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla labadaasi maamul.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan heshay taageero milataro milatari oo caalami ah iyo hub casri ah maadaama laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saarnayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here