Falcelin xoogan oo ka dhalatay go’aan kasoo baxay dowladda Soomaaliya

0

CEELBUUR (SMN) – Falcelin xoogan ayaa ka dhalatay digniin kasoo baxday dowladda Soomaaliya oo ku aadan in dadka shacabka ah ay ka fogaadaan deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, gaar ahaan aagga degmda Ceelbuur oo ay ku dhow yihiin ciidamada huwanta.

 

Nuur Sheekh Cismaan oo ka faallooda arrrimaha ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda inay ka fiirsato go’aankaasi, isla-markaana ay il gaar ah ula ahaato dadka shacabka ah.

Sidoo kale ciidamada howlgalka sameynaya ayuu ugu baaqay inay beegsadaan oo kaliya xarumaha ay joogaan Al-Shabaab, balse waxyeeleyn goobaha ay ku badan yihiin shacabka.

Nuur ayaa sheegay in mudnaan ay leeyihiin dadka rayidka ah, isla-markaana ay tahay in il gaar ah loo lahaado, maadaama aysan awoodin inay kasoo tegaan halkaasi.

Dhanka kale, wuxuu dowladda ka dalbaday inay qorshe u dajiso deegaanada la xoreynayo, si loogu yeelo maamul ka hirgelaya adeegyada aas-aasiga ee ay u baahan yihiin dadkaasi.

Nuur Sheekh Cismaan ayaa hoosta ka xariiqay in taageero gurmad la gaarsiiyo magaalooyinka la xoreynayo, si dadka loo jecleysiiyo dowladnimada.

Hadlkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisa labaad, howlgallada ayaa haatan xoogooda waxa ay ka socdaan deegaanada maamulka Galmudug, gaar ahaan dhinaca xiga degmada Ceelbuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here