Xiisad culus oo ka dhex taagan maamulka degmada Baraawe + Sababta

0

BARAAWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta xiisad dhanka maamulka ah ay ka taagan tahay magaallo xeebeedka Baraawe.

 

Xiisaddan oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso guddoomiyaha nmaamulka degmdaasi, Liibaan Abuukar Baafo iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi, Sahra Abuukar Cali.

Wararka ayaa sheegaya in khilaafkan uu sababay beegsi ku aadan mas’uuliyiinta is haya, ayadoo la soo wariyay in la rasaasaeeyay Sahra Abuukar walow ay ka bad-baaday falkaasi.

Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Baraawe Mudane Maxamed Xuseen Jeex oo la hadlay Shabelle ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay in khilaafkan uu sameeyay golaha deegaanka, isla-markaana ay mooshin ka gudbiyeen guddoomiyaha degmada, isaga oo ku eedeeyay inuu dhibaato ka wado magaalada Barawe.

Maxamed Xuseen Jeex ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay gaarsiiyeen wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, ayna ka sugayaan jawaab rasmi ah.

Khilaafka dhanka maamulka ah ayaa marar badan kusoo laa laabtay degmada Baraawe oo ay marar badan ka dhaceen dagaallo geystay khasaare kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here