Hadal jeedinta musharixiinta Aqalka Sare oo maanta ka dhacaysa Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Magaalada Kismayao waxaa gelinka hore ee maanta la filayaa in xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u tartameeysa kuraasta ka harsan Aqalka Sare ee degaan doorashadoodu tahay Kismaayo.

Illaa sideed musharrax ayaa jeedin doono khudbadahooda, kuwaas oo ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sideeda musharax ayaa kala ah:-

1: Layla Nuux Maax
Xareedo Maxamed Sheekh

2:Tbrahim Awgaab Cismaan
Farxiya Macalim Cabdi

3: Maryan Faarax Kadiye
Samsam Maxamed Bishaar

4: Xasan Daahir Yarow
Cali Maxamed Cali

Beri oo khamiis ah, kuna beegsan 21 Octoober ayaa waxaa lagu wadaa in Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Afarta Kursi ee Aqalka sare uga harsan Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here