Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka jitraan magaalada Guriceel oo ay isku hayaan ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in saaka ciidamada Ahlu Sunna ay xireen waddooyinka gala magaaladaas iyo kuwa ka baxa, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada.

Sidoo kale ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ayaa ku sugan hareeraha Guriceel oo ay ka sameysteen saldhigyo cusub, iyaga oo halkaasi ka wada abaabul xoogan.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya inay fashilantay waa-waantii laga dhex waday Ahlu Sunna iyo Galmudug, taas oo ay wadeen odayaasha iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta.

Si kastaba, dib u soo rogaal celinta Ahlu Sunna ayaa weji kale u yeeshay xaaladda Galmdug oo ku jirtay marxalad doorasho, gaar ahaan tan baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here