Hadal-jeedinta musharixiinta oo maanta ka bilaabaneysa Teendhada Afisyooni

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta ka bilaabaneysa hadal-jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha.

Maanta oo ah maalinta koowaad ayaa waxaa khudbadahooda jeedin doono illaa 20 musharax oo ka mid ah 39-ka musharrax ee isu diiwaangeliyey doorashada.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amniga goobta ay hadal-jeedintu ka dhaceyso, taas oo amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwa Booliska Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.

Halkan ka aqriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here