Wararkii ugu dambeeyey ee hadal-jeedinta musharixiinta madaxweynaha

0

MUQDISHO (SMN) – Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka soconeysa hadal-jeedinta Musharaxiinta madaxweynaha, taas oo lagu wado in gelinka dambe ee maanta lagu soo gabagabeeyo halkaasi.

Maanta oo ah maalinta labaad ayaa waxaa khudbadahooda jeedin doono illaa 19 musharax oo ah qaybta labaad ee hadal-jeedinta  musharixiinta isu diiwaangeliyey tartanka doorashada.

Xubnaha hadal jeedinta sameynaya, waxaa ka mid ah madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amniga goobta ay hadal-jeedintu ka dhaceyso, taas oo amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwa Booliska Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhacdo 15 May 2022 oo ku beegan maalinta Axadda ee soo socoto.

Halkan ka aqriso:-

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here