Sawirro: R/W Rooble oo kulan la yeeshay xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Rooble ayaa xildhibaanada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda si hufan ugu adeegaan.

Kulankan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan guddoonka Golaha Shacabka uu go’aan uu soo saaray ku ansixiyey xildhibaanada lagu soo dootay Ceelwaaq, taas oo soo afjartay xiisaddii in muddo ah ka taagneyd xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Gedo, kadib markii 16 kale lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here