Hantidhawraha Qaranka oo la kulmay sii hayaha Safaaradda Norway + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Abuukaate Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta qaabilay sii hayaha Saafaradda Norway ee Soomaaliya Mudane Haakon Svane iyo Madaxa Iskaashiga Safaaradda ee Kenya iyo Soomaaliya Mudane Erling Hess.

 

Masuuliyiinta ayaa intii uu kulanku socday waxay isla soo qaadeen xiriirka iskaashi ee ku aaddan kobcinta awoodda iyo xirfadda hawlwadeennada Xafiiska Hantidhawrka Guud iyo dardargalinta dadaallada lagu xoojinayo nidaamyada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ee ka jira heer federaal iyo maamul goboleed.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qarank ayaa dhawaan waxa uu la saxiixay heshiis aqoon-iswaydaarsi saddex-geesood ah Hay’adaha IDI iyo AFROSAI-E kaasi oo ay taabbagalintiisa taageerayso Safaaradda Boqortooyada Norway.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here