Hantidhowraha Soomaaliya oo Kaga Qaybgalay Kigali Kulan ku Saabsan Maareynta Deymaha

0

Kigali, Rwanda – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa magaalada Kigali ee dalka Rwanda kaga qaybgalaya kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo diiradda lagu saarayo adkeynta iyo horumarinta awoodda maareynta deymaha dowladaha nugul ee Afrika.

 

Kulanka oo loo bixiyay PFMA Spotlight Learning on Public Debt Management in Transition States waxaa soo qabanqaabiyay Machadka Horumarinta Afrika ee Bangiga Horumarinta Afrika. Wafdiga Soomaaliya ee ka qaybgalaya kulanka waxaa sidoo kale ka mid ah Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Maxamed Maxamuud Cabdulle, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdillaahi.

Kulanka oo soconaya 28-ka September ilaa 2-da October 2026 ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee dhinacyada daahfurnaanta deymaha, isla-xisaabtanka iyo habsami-u-maareynta maaliyadda guud.

Waxaa kulanka ka qaybgalaya in ka badan 20 dal oo Afrikaan ah, iyadoo sidoo kale ay ka qaybqaadanayaan ururro caalami ah oo wadaagaya aqoonta, waayo-aragnimada iyo hababka lagu horumarin karo maareynta deymaha dowladaha, daahfurnaanta maaliyadeed iyo isla-xisaabtanka. Intii uu ku sugnaa Kigali, Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa booqday Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Rwanda, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Hantidhowraha Guud ee Rwanda, Alexis Kamuhire.

Kulanka labada Hantidhowre Guud ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hay’adood, iyo sidoo kale is-dhaafsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta shaqada hantidhowrka, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadda guud.

Ka qaybgalka kulanka iyo booqashada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Rwanda ayaa qeyb ka ah dadaallada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya uu ku xoojinayo wadaagista khibradaha iyo fahamka arrimaha la xiriira deymaha dowladaha. Sidoo kale, dadaalladan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka yihiin taageerada hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo habsami-u-maareynta maaliyadda guud ee Soomaaliya.May be an image of one or more people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here