Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo Arusha ku Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Arusha, Tanzania – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa magaalada Arusha ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magaalada Arusha uga qeyb geli doona Kulanka 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo sidoo kale Shirka 153-aad ee Golaha Midowga Baarlamaannada Adduunka (IPU).

Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ayaa sheegtay in soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Midowga Tanzania.

Kulamada uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga qeybgalayo Arusha ayaa sidoo kale fursad u ah Soomaaliya inay xoojiso xiriirka baarlamaaniga ah iyo wada-shaqeynta ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha baarlamaannada gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here