Hay’ad caalami ah oo shaacisay inay ka qeyb qaadaneyso gurmadka abaaraha

0

ANKARA (SMN) – Hay’ad gargaarka bini’aadantinimo ka shaqeysa oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay ka qayb qaadan doonto ololaha gargaarka ee ka socda Soomaaliya oo ay ku dhufatay abaar saameysay kumanaan qof oo beeralay iyo xoolo-dhaqato u badan.e

Hay’addan oo magaceeda loo soo gaabiyo IHH waxay sheegtay in ay quudinayso 1,000 qoys oo barakacayaal ah oo ku sugan kaamam ku yaalla Muqdisho iyo Baydhabo, oo bil kasta raashiin gargaar ah u qeybin doonto.

Gobollada Gedo, Jubbada Hoose iyo Bakool ayaa ah meelaha ugu daran ee ay ku dhufatay abaarta ka jirta xiligan Soomaaliya, waxaana cunto iyo biyo la’aan ugu dhintay caruur iyo hooyooyin dhowr ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Jubaland.

Isbedelka Cimiladu waxay door muhiim ah ka ciyaartay abaarta Soomaaliya kadib markii aysan si fiican aan u di’in roobabkii sanadkan, taasoo keentay inay dad badan oo dhulka miyiga ku nool ay waayaan biyo ay cabaan, daaqa xoolaha iyo beeraha oo aan dalag wanaagsan kasoo go’in.

Soomaaliya, saameynta isbeddelka cimilada ee ka dhashay abaaro iyo fatahaado ayaa ah khatartii ugu darneyd ee dalka soo wajahda iyadoo xilligan ay la daalaa dhacayso colaado iyo amni daro mudo tobonaan sano socda.

Dowladda ayaa horay ugu dhawaaqday xaalad bini’aadannimo oo deg deg ah abaarta awgeed, waxayna xukuumada sheegtay inay gudi u xilsaatay ka jawaabida abaarta iyo kaalmeynta dadka ay saameysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here