Macalimuu “Rooble waxaa ka go’an hufnaanta doorashada dalka”

0

MUQDISHO (SMN) – Maxamed Ibraahim Macalimuu afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay dadaalka ra’iisul wasaaraha ee doorashooyinka.

Macalimuu ayaa sheegay in Rooble ay ka go’an tahay in la dhowro hufnaanta doorashada 2021-ka, si ay ugu dhacdo qaab xor iyo xalaal ah.

Halkan hoose ka aqriso:-

Dalku waxa uu marayaa xilli kala guur oo u baahan dhamaan dhinacyada siyaasadda in ay gacan ka geystaan dardargalinta doorashooyinka,iyada oo la tixgalinayo sixitaanka galdoloolyinka ka jira habraacyada doorshada ee la dajiyay.

Doorasho in ay qabsoonto waa xalka kaliya dalkan uu uga gudbi karo marxaladda uu maanta taagan yahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa ka go’an isaga oo kaashanaya Golaha Wadatashiga Qaranka in la dhawro hufnaanta doorashada , waana sababta uu had iyo jeer guddiyada kala duwan ee doorashooyinka iyo guddiga xallinta khilaafaadka kulamada uu la yeesho uu ugu adkeeyo in ay doorashada u maamulaan si daahfuran.

Doorasho marka la fulinayo waa xaqiiqo in ay cillado la soo baxayaan ,balse hadii ay qaladaad dhacaan waa in sixitaankooda loo maraa hab waafaqasan habraacyada doorashada ee aaney noqon mid caadifad ku dhisan , waxana awoodaas iska leh guddiyada u xilsaaran howshaas ee Ra’iisul Wasaaruhu maaha garsoore seeri la taagan oo kiis walba laga doonayo inuu gaar u xalliyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here