Hay’adaha amniga dowladda oo war cusub kasoo saaray arrintii Hormuud

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay arrintii Shirkadda Hormuud, kadib kulan ay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka iyo madaxda Hormuud ku yeesheen magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa ka wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

Sida Idaacadda Shabelle ay ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa kuwaas oo loo xaliyay si ay ku jirto maslaxada guud ee dalka, waxaana kulanka uu ku dhammaaday jawi wanaagsan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagantahay ilaalinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda iyada oo markasta dhawraysa sharciga.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa dib uga laabatay warsaxaafadeedkii ay horay usoo saartay ee lagu eedeeyay Shirkadda Hormuud, waxaana boggaga warbaahinta ee dowladda laga saaray warqaddii Hay’adda Nabad-sugidda ee ka dhanka ahayd Hormuud Telecom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here