Hay’adda IMF oo war kasoo saartay daaha doorashooyinka Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda lacagta adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano IMF ayaa war kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan daaha doorashooyinka dalka.

Laura Jaramillo oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya ayaa ku dhowaaday in dib u dhaca doorashooyinka uu saameyn ku yeelan doono lacagaha taakuleynta ee la siiyo Somalia.

“Doorashooyinka dib u dhaca ku yimid waxa ay khatar ku yihiin waqtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska IMF & Soomaaliya, tallaabadaan waxa ay saameyn taban ku reebeysaa Shaqada Dowladda,” ayey tiri Laaura oo u warrantay Wakaaladda Reuters.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay “Miisaaniyadda Soomaaliya waa $400 oo Milyan oo Doollar, qayb kamid ah heshiiska lagu dhimayo Deynta waxaa ku xusan in la bixiyo in ka badan $5 Bilyan oo dollar ilaa $10 Bilyan oo dollar, wixii ka dambeeya 17ka May haddii aan la dhammeystirin Doorashooyinka waxaa istaagaya Kaalmada kabka ah ee lagu gacansiiyo ciidamada,”

Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka, kadib markii ay dib u dhaceen marar kala duwan jadwalladii doorashooyinka ee horey loo soo saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here