Sawirro: Hay’adda SoDMA oo $375,000 ku wareejisay maamulka isbitaalka Madiina

0

MUQDISHO (SMN) – Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle oo Maanta booqasho ku tagay isbitaalka weyn ee Madiina ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin iyo Maamulka sare ee isbitaalkaas ku wareejiyey lacag gaaraysa 375,000 oo dollars oo hordhac ah.

 

Lacagtan ayaa waxaa loogu talagalay Wajiga koobaad ee dhismaha Xarunta Gargaarka deg-degdeg ah ee isbitaal Madiina taas oo uu dhagaxdhigay Raisulwasaaraha XFS.

Xaruntan ayaa loogu talagalay in lagula tacaalo Muwadiniinta Soomaaliyeed ee ku waxyeelooba Musiibooyinka ka dhaca Soomaaliya, si loo hello xarun Caafimaad oo ka jawaabta baahiyaha deg degga ah ee soo bixi kara xilli kasta ayaana keentay hirgalinteeda.

Hay’adda SoDMA waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka iyo ka jawaabista xaladaha deg-degga ah,waxaana deeqdaan ka mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed iyo maamulka isbitaalka,sidoo kale Guddoomiyaha iyo Taliyaha ayaa boqday qeybaha isbitaalka iyo dhawacyadii hay’adda dhawaan Muqdisho ee keentay kuwaas oo ku wax yeeloobay qarixii Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here