Xarun casri ah oo shaqo-abuur loogu sameynayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho laga furayo

0

ADDIS ABABA — Shirkadda caanka ah ee LG Electronics, Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA), Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) u qaabilsan Soomaaliya, iyo Xarunta Nabadda ee Elman (Elman Peace Centre) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis iskaashi oo cusub oo ujeedkiisu yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu baro xirfado farsamo, si loogu abuuro fursado shaqo oo waara, loona xoojiyo xasiloonida iyo nabad-dhiska dalka.

 

Heshiiska iskaashiga oo si rasmi ah loogu kala saxiixday magaalada Addis Ababa, ayaa lagu dhisayaa xarun cusub oo casri ah oo dhanka tababarada farsamada iyo adeegga ah oo laga fagi doono magaalada Muqdisho. Mashruucan ayaa daba jooga guushii laga gaaray Kulliyadda Farsamada ee horey looga dhisay dalka Itoobiya, oo muddo 13 sano ah laga fulinayay barnaamij kan oo kale ah oo boolal lagu guulaystay.

Xarunta cusub ee laga furayo Muqdisho waxay dhallinyarada Soomaaliyeed bari doontaa xirfado suuqoodu aad u sarreeyo, gaar ahaan: Dayactirka Qalabka Korontada iyo Qalabka Guriga: Sida qaboojiyayaasha, firijyada, iyo qalabka kale ee shirkadda LG. Teknoolajiyada: Sida barashada qalabka kombiyuutarka (hardware) iyo (networking).

Si dhallinyarada loogu diyaariyo inay abuuraan ganacsi u gaar ah iyo qaabka ay shaqo u raadsan lahaayeen, waxay xarunta cusub ka dhisi doontaa dhinacyo kala duwan, oo u sahlaya inay ku horumariyaan noloshooda iyo xirfadooda.

Ka hor inta uusan tababarku bilaaban, macallimiin ka tirsan Xarunta Nabadda ee Elman ayaa loo diri doonaa dalka Itoobiya si ay tababar heer sare ah ugu soo qaataan, si ay xirfadahaas u keenaan Soomaaliya, uguna gudbiyaan dhalinyarada shaqo-abuurka loo sameynayo. Marka ay dhallinyaradu qalin-jabiyaan, waxaa lagu caawin doonaa sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen, iyadoo lagu xirayo shirkado gaar loo leeyahay oo ay ku jirto LG.

Lionel Laurens, oo ah Ergeyga UNDP u fadhiya Soomaaliya, oo ka hadlay munaasabadda saxiixa ayaa yiri: “Soomaaliya hantida ugu weyn ee ay haysato waa dhallinyaradeeda—waa dad hibaysan, dhabar-adayg leh, waliba hal-abuur badan. Marka aan ku qalabeyno xirfado farsamo oo suuqu u baahan yahay, kaliya shaqooyin uma abuurayno, laakiin waxaan dhisaynaa mustaqbalkooda, taasoo dhiiragelinaysa nabad waarta iyo horumar dhaqaale oo loo dhan yahay.”

Dhinaca kale, Seunghwan Yang, oo ah madaxa shirkadda LG ee qaybta Itoobiya iyo Bariga Afrika, ayaa sheegay in shirkaddu ay ka go’an tahay inay khibraddii guusha ee ay ka heleen Itoobiya u soo wareejiyaan Soomaaliya, si dhallinyarada looga caawiyo inay noqdaan dad isku filan oo dalkooda wax u tara.

Xarunta Elman Peace oo ah tan gacanta ku haysa fulinta mashruucan, ayaa sheegtay inay sii wadi doonto ballaarinta tababaradan farsamo, iyadoo dammaanad qaadaysa in dhallinyarada la baro xirfado ay si toos ah ugu heli karaan shaqooyin suuqa ka jira.

Ilwaad Elman, oo ah Agaasimaha Fulinta ee Xarunta Nabadda ee Elman, ayaa muujisay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay dalka, waxayna tiri: “Soomaaliya waxay mar kasta ahayd dal ay ku nool yihiin dad wax dhisa, ganacsato, iyo hal-abuurayaal, laakiin nasiib-darro dhallinyaro aad u tiro badan ayaa weli ka go’an fursadaha qaabeeya dhaqaalaha casriga ah. Iskaashigan, kaliya ma ballarinayo helitaanka tababarada farsamada, laakiin wuxuu gacan ka geysanayaa dhisidda nidaamyada maxalliga ah, halbeegyada, iyo khibradaha lagama maarmaanka u ah si dhallinyarada Soomaaliyeed ay si macno leh uga qayb qaataan shaqooyinka iyo adeegyada dhaqaale ee mustaqbalka. Waxaan rajeyneynaa in iskaashigani uu aasaas u noqdo kobcinta xirfadaha farsamada iyo helitaanka fursadaha muddada dheer ee Soomaaliya.”

Marka laga soo tago shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha, iskaashigan ayaa loo arkaa inuu wax weyn ka tarayo xallinta sababaha rasmiga ah ee keena xasillooni-darrada dalka oo mudo tobanaan sano ah kusoo jiray dagaal iyo xaalado dhanka shaqo la’aanta, oo qasabtay dhalinyaro badan inay tahriibaan, kuna biiraan kooxaha argagaxisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here