Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay degmooyinka Dayniile iyo Boondheere

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 5,000 qoys waxa ay gargaar ugu qaybisay degmooyinka Deyniile iyo Boondheere ee gobolka Banaadir, 3,000 oo qoys waxaa gargarkaan loogu qeybiyey degmada Deyniile, halka 2,000 oo qoys oo kalana gargaarkaan loogu qaybiyey degmada Boondheere.

 

Qoysas ka kooban danyar, naafo barakacyaal, iyo dad waayeelo ah ayaa gargaarkaan ka faa’iideeystay, iyaga oo u mahadnaqay Hay’adda SoDMA oo gargaarkaan soo gaarsiisay.

Dadkaan dantayar ayaa maalmihii u danbeeyay wajahayey Xaalad adag oo dhanka nolasha ah, iyadoo hay’adda SoDMA ay ka jawaabtay xaalada qoysaskaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here