Degmada Hodan oo noqotay horyaalka sanadkan ee Tartan Aqooneedka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku guuleysatay barnaamijka tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ee bisha Ramadaan, kaas oo ay sanadkan ka qayb-galeen illaa 24 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka.

 

Hodan ayaa Finalka wajhaday dhiggeeda Xamar-jajab oo la timid 8 buundo, wuxuuna kusoo dhammaaday Hodan oo ay 10 dhibcood guushu ku raacday.

Sidaas waxa ay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ku noqotay hioryaalka degmooyinka ee sanadka 2024/1445, halka Xamar-jajab ay gashay kaalinta labaad ee tartanka.

Sanadkan waxaa tartanka taabba-gelisay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel, halka su’aal diyaarintuna ay ahayd Jaamacadda caalamiga ah Horseed ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here