Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay magaalada Kismaayo + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo mar walba u taagan caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed ayaa Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Maamulka Jubbaland  waxa ay gargaar ugu qaybisay 1,250 qoys oo sameen adag ay ka soo gaartay daadadka El-Niño iyo fatahaadaha Wabbiyada.

 

Qoysaskaan mucaawinada loo qaybiyey ayaa ka soo barakacay tuuloyinka u dhaw Magaalada kismaayo oo fataahad uu ka sameeyey Wabbiga Jubba, waxana ay dhalisay qasaaro badan oo iskugu jirta dhimasho, dhaawac iyo bubur hantiyadeed.

Qaybinta deeqdaan waxaa iska kaashaday hey’adda SoDMA iyo Wasaaradda Gargaarka Jubbaland, waxaana goobjoog ka ahaa daahfurkeda Ra’isulwasaaraha XFS Mudane Hamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here