Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah aya kasoo baxaya qaraxyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

 

Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa ka dhacay suuqa Bakaaraha, waxaana lasoo wariyay in lala beegsaday xarun ganacsi oo ku taalla qaybta Cirtoogte ee suuqaasi.

Sidoo kale waxaa qaraxan ku dhaawacmay laba haween ah oo ka agdhowaa goobta, ayada oo uu burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha la qarxiyay.

Labada qarax ee kale oo iyaguna ahaa miinooyin ayaa waxaa lagu weeraray laba xarun oo ganacsi, kuna taalla xaafadda Laba Dhagax ee degmada Warta Nabadda, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxyadaas ma gaysan wax khasaare ah nafeed ah, balse waxa uu burbur xoogleh soo gaaray xarumaha la weeraray.

Dhammaan xarumaha la qarxiyay  ayaa waxaa maalmo kahor lagu xiray kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here