Hay’adda SoDMA oo gargaar u qaybisay 5,000 oo qos + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 5, 000 oo qos, kana kooban Danyar, dad naafo ah iyo kuwa ka soo barakacay qaybo kamid ah Gobolka Shabeeladda Hoose waxa ay gargaar ugu qaybisay gudaha degmada Afgooye iyo duleedka Magalaada Muqdisho.

 

2,000 oo qoys waxaa gargaarkaan afurinta ah loogu sameeyay degmada Afgooye, halka 3,000 oo kale mucaawinadaan loogu qaybiyey duleedka Muqdisho.

Goobta lagu qaybinayey Gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka Sahra Cali Yuusuf, Maamulka Degmada Afgooye iyo Masuuliyiin kale.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here