Kooxda Daacish oo sheegatay weerar culus oo ka dhacay caasimadda Ruushka

0

MOSCOW (SMN) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeyso weerar toogasho ah oo ka dhacay goob ruwaayadaha lagu daawado oo ku dhaw magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.

 

Illaa 3 dabley ah ayaa gudaha u galay, kadibna rasaas ku furay dadkii ruwaayada daawanayay.

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay iyadoo 115 kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale muuqaallo goobta laga soo duubay ayaa muujiyay dad ku gabanaya kuraasta taallay hoolka iyo rag hubeysan oo rasaas furaya, dad isku dayaya in ay ka baxaan albaabada hoolka iyo kuwo aanan dhaqaaq laheyn oo dhex jiifa dhiigga.

Dowladda Mareykanka ayaa horay uga digtay weerarka lana todobaad kahor.

Weerarkan ayaa waxaa lagu tilmaamay kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca Ruushka, tan iyo sannadki 2004-tii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here