Hay’adda SoDMA oo gargaarka qaybisay magaalada Baydhabo + Sawirro

0

BAYDHABO (SMN) – Baydhabo oo kamid ah goobaha sida saadasha mujinayaan in uu ka da’ayo roob xoogan suurtagalna ay tahay in daadad ka dhashaan ayaa maanta Hay’adda Maareynta Musiiboyinka SoDMA, waxa ay 500 oo qoys gargaar ka kooban alaabta maacuunta,  bustayaal , bacaha roobka looga okorto,jingado iyo qalabkii lagu dhisi la haa ugu qeybisay Magaaladan, waxana SoDMA maalmihii danbe ay waday qorsha ah inta uusan billaaban roobabkaan in shacabka ay gaarsiiso gurmadyo ballaaran.

 

Qoysaskaan oo laba goob oo kala duwan mucaawinadan loogu qeybiyey, ayaa waxa ay iskugu jireen naafo,barakacyaal,danyar iyo dad waayello ah, kuwaas oo hore sameen ay uga soo gaartay xaladihii El-Niño ee sannadkii tagay, walina barakac ay ku yihiin duleedka magaalada ,waxana deqdaan dalkeena ugu deeqday dowladda Shiinaha.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo uu wehliyo Wasiirka Gargaarka KGS Cabdinaasir Cabdi Caruush, maamulka degamada ayaa goobjoog ka ahaa qeybinta deeqdaan, iyadoo qeybinteeda SoDMA ku wehliso Wasaaradda Gargaarka Maamulka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here