Ciidamada Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku suganaayeen Al-Shabaab

0

AADAN YABAAL (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

Howlgalka ayaa waxaa qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda oo weeraray deegaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, una dhow degmada Adladan Yabaal ee Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaabka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay inay horay dadka deegaanka uga wateen xoolo nool oo Ari ah, waxaana kadib sidaas ku weeraray Macawiisleyda deegaanka.

Sarkaal u hadlay ciidanka howlgalka qaaday ayaa sheegay inay ka hortageen dagaal ay soo abaabulayeen Al-Shabaab, sidoo kalena ay gaarsiiyeen khasaare culus, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Macawiisleyda ee HirShabelle.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

HirShabelle ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo deegaano badan lagu xoreeyay wajigii koowaad ee dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here