Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah u dirtay degmada Doolow + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ku howllan u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay daadadka #elniño iyo fatahaadaha ay saameeyeen wabiyada ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cade waxa ay ka dirtay diyaarad sidda qaybaha kala duwan ee raashinka taas oo ku wajahan degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

 

Degmadaan waxa ay ka mid tahay goobaha sameenta adag ay ka gaysteen daadadka iyo fatahaadaha, waxaana deeqdaan raashinka ah loogu talagalay in la gaarsiiyo bulshada ku nool degmada Doolow.

Shixnadaan mucaawinada ah ayaa gaaraysa ilaa 7-ton, waxaana hore sidaan oo kale hay’adda ay gurmadyo nuucaan oo kale ah ugu dirtay magaaloyinka BAYDHABO, Baardheere iyo Luuq.

Deeqdaan waxaa iska kaashaday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland

DHAMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here