Hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada

0

Baydhabo – Hogaamiyaha ku-meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah, Mudane Tom Fletcher.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, wax ka qabashada saameynta abaaraha, iyo taageerada dadka barakacay ee ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada shacabka Soomaaliyeed, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo gurmadka degdegga ah iyo mashaariic horumarineed oo wax ka taraya xaaladaha bani’aadannimo ee sii xumaanaya.

Dhankiisa, Mudane Tom Fletcher ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay sii wadista taageerada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan xaaladaha nugul, isagoo xusay in booqashadiisu ay qeyb ka tahay qiimeyn lagu sameynayo baahiyaha dhabta ah ee ka jira goobaha ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo jawaabta bini’aadantinimo iyo iskaashiga caalamiga ah ee ka socda Soomaaliya.May be an image of dais and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here