Muqdisho – Guud ahaan Soomaaliya waxaa ka taagan xaalad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa, iyadoo bulshooyin badan ay la ildaran yihiin gaajo, abaaro isdaba joog ah iyo barakac baahsan.
Sida ay sheegtay OCHA, roobabkii Deyrta ee bishii Sebtembar ayaa sii xoojiyay dhibaatada, iyagoo burburiyay nolosha xoolo-dhaqatada iyo beeraha, isla markaana kordhiyay heerka barakaca iyo khatarta macaluusha.
Ilaa hadda, in ka badan 500,000 oo qof ayaa sanadkan ku barokacay gudaha dalka, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee barakacayaasha in ay ka badan tahay 3.3 milyan oo qof. Qoysaska barakacay ayaa wajahaya khatarta ugu daran ee gaajo iyo nafaqo darro, iyagoo gaara xeryo ku yaalla Baydhabo iyo Doolow kadib safarro adag oo dheer.
Haweeney lagu magacaabo Faadumo, 40 jir ah, ayaa sheegtay in ay shan jeer qaxday, saddex jeerna colaad darteed iyo laba jeerna abaar darteed uga barakacday gurigeeda, iyadoo tilmaantay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin.
Gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay, iyadoo kaliya 14% lacagihii la codsaday la helay sanadkan, sida ay sheegtay OCHA. Warbixinno ayaa sidoo kale tilmaamaya in dalka laga reebay maalgelin caalami ah oo ballaaran, taasoo sii adkaysay helitaanka gargaar degdeg ah.
Xilli roobaadka Gu’ga ayaa billowday, balse saameyntiisa ayaa aad u kooban marka loo eego burburka ka dhashay abaaraha isdaba jooga ah, iyadoo bulshada ay weli wajahayaan baahi degdeg ah oo gargaar ah.
Dhanka kale, Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadantinimada ee Tom Fletcher ayaa sheegay in xaaladda gobolka iyo khilaafaadka caalamiga ah ay si dadban u saameeyaan xaaladda Soomaaliya, isagoo xusay in hoos u dhaca maalgelinta gargaarku uu sii xumeeyay cunno yari iyo adeegyada caafimaadka.
Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo xoojiyo taageerada bini’aadantinimo si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.




