Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa caawa hoygiisa magaalada Dhuusamareeb ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka soo jireenka ah ee Galmudug.
Hoggaamiyaha ayaa booqashadiisa intii ay socotay Ugaaska ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo la xiriira baahiyaha bulshada, horumarinta adeegyada aasaasiga ah iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee taageeridda nabadda iyo dowlad-dhiska.
Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa dhankiisa maamulka cusub iyo guud ahaan bulshada reer Galmudug u rajeeyay nabad, midnimo iyo horumar waara.
Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta maamulka Galmudug iyo hoggaanka dhaqanka, kuwaas oo door muhiim ah ku leh nabadeynta bulshada, xalinta khilaafaadka iyo horumarinta deegaannada maamulka.




