Soomaaliya iyo Algeria oo ka wada hadlay iskaashiga horumarinta xirfadaha farsamada gacanta

0

Muqdisho – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Prof. Salim Alio Ibro, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Tababarka iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee Jamhuuriyadda Algeria, Marwo Nassima Arhab, intii uu socday Madasha Siyaasadaha Afrika ee Xirfadaha (African Skills Policy Forum).

 

Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan horumarinta xirfadaha farsamada gacanta, tayeynta tababarrada xirfadeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta xirfadaha iyo tayada shaqaalaha, si barnaamijyada tababarrada xirfadeed ay ula jaanqaadaan baahiyaha suuqa shaqada, isla markaana loo helo shaqaale leh aqoon iyo xirfado buuxin kara baahiyaha dalka.

Wasiirrada ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca waxbarashada farsamada gacanta, si loo kobciyo aqoonta dhallinyarada loona abuuro fursado shaqo oo waara.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso xoojinta iskaashiga caalamiga ah, horumarinta xirfadaha farsamada gacanta iyo ballaarinta fursadaha shaqo-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here