Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Kulan la Qaatay Guddiga Diyaar-garowga El-Niño

0

Baydhabo — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay Guddiga Heer Wasiir ee Diyaar-garowga iyo Ka Jawaabidda Saamaynta El-Niño ee Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda cimilada, saadaasha roobabka El-Niño iyo tallaabooyinka ay Dowladda Koonfur Galbeed qaadeyso si loo xoojiyo diyaar-garowga iyo ka jawaabidda saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa Hoggaamiyaha warbixin ka siiyey qorshayaasha diyaar-garowga, dadaallada wacyigelinta bulshada, kaydinta raashinka iyo dawooyinka, iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta samafalka ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa faray Guddiga in la dardargeliyo qorshayaasha ka hortagga iyo u diyaar-garowga saameynta El-Niño, si loo yareeyo khataraha fatahaadaha iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhalan kara roobabka xooggan, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nafta iyo hantida shacabka.

Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale xoojinaysa wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, maamulka degmooyinka, bulshada deegaanka iyo hay’adaha samafalka, si loo helo jawaab mideysan oo degdeg ah haddii ay dhacaan fatahaado ama xaalado bani’aadannimo oo ka dhasha roobabka El-Niño.May be an image of textMay be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎0Z-FALANQAYNIAX KAALADDA Saadaasha Cimilada 2026 Kordhinta El Niño dhacday Indian Ocean Dipole Wanaagsan Waxaa Roobab Deyr 00 Ia Celceliska Xaalad Niño ayaa yaa Baasifigga kulaylaha, Heyadaha Saadaaliya Isbadalka Cimilada saadaalıyaanin inaysi degdegah , gaadhayso heer KO0e وااة Luulyo- laguj Sebtembar 2026. Isbeddel anLu Luuho Luulyo 2026, 75,suurtagalnimaidazanaw korodhaysaai Sebtembar taarlikhahsan xoojisa rocbabka silliga roobaadka e Bariga Afrika. ุ. borbama Soomaalia- adubadan dhici‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here